Wac si aad u mudaysato booqasho aad ku tagayso xafiis maxali ah

  • Olympia-Tumwater: 360-902-5799
  • Bellevue: 425-990-1400
  • Bellingham: 360-647-7300
  • East Wenatchee: 509-886-6500
  • Everett: 425-290-1300
  • Kelso: 360-575-6900
  • Kennewick: 509-735-0100
  • Montesano: 360-533-8200
  • Moses Lake: 509-764-6900
  • Mount Vernon: 360-416-3000
  • Pullman: 509-334-5296
  • Seattle: 206-515-2800
  • Sequim: 360-417-2700
  • Silverdale: 360-308-2800
  • Spokane: 509-324-2600
  • Tacoma: 509-324-2600
  • Tukwila: 206-835-1000
  • Union Gap: 509-454-3700
  • Vancouver: 360-896-2300

Xogta Guud

La xariir Waaxda Shaqada iyo Warshadaha Gobolka Washington (Washington State Department of Labor & Industries) si aad u heshid macluumaad ku saabsan barnaamijyada iyo adeegyada wakaaladda oo ku qoran luqadaada, telefoonka 1-800-547-8367.

Kaddib marka aad soo gashid telefoonka, fadlan sug in yar inta aan ka wacayno turjubaan na kaalmeeya. Waxaad in badan ka ogaan kartaa barnaamijyadena iyo adeegyadena ku qoran hoos iyo waxaad heli kartaa warqadaha la tarjumay. Adeegaan waa lacag la'aan.

Aan ogaano haddii laguu diiday tarjamo kugu filan ama adeegyada tarjamada qoran, ama haddii aad qabtid arrimo ku saabsan adeegga macaamilka, ashtakooyin ama su'aalo.

Shaqaalaha iyo Warshadaha (Labor & Industries) KAMA tirsana Adeegga Socdaalka iyo Qaadashada Dhalashada (Immigration and Naturalization Service). Dawladda federaalka ama madaxda boliiska deegaanka uma sheegi dooni shaqaalaha aan haysanin warqado - waa danta aan leenahay in aan hubino in shaqaalaha la siiyo goob amaan ah oo laga shaqeeyo, mushaar ku habboon, iyo ceymiska caafimaadka haddii ay dhaawacmaan.

Shaqaalahena waxay kugu kaalmeyn karaan in aad fahamtid:

Shaqaalaha

  • Sheegashooyinka magta shaqaalaha iyo mushaarka waqtiga lumay.
  • Sida loo helo takhtar.
  • Sharuudaha waqtiga nasashada iyo cuntada.
  • Mushaarka ugu yar iyo lacagta la qaato waqtiga dheeraadka ah.
  • Sida loo gudbiyo ashtakada xuquuqda shaqaaalaha.
  • Sharuudaha ammaanka goobta shaqada iyo sida loo gudbiyo ashtakada ammaanka goobta shaqada.
  • Sida loo gudbiyo ashtako haddii lagaa aargoosto bacdamaa aad adeegsatay xaqa aad u leedahay goob shaqo ammaan ah oo caafimaad qabta.
  • Sida loo gudbiyo ashtako haddii loo-shaqeeyahaada kaa aargoosto bacdamaa aad ku dhaawacantay goobta shaqada.

Ganacsiyada

  • Waxa la sameeyo haddii shaqaalahaada dhaawacmaan.
  • Sida loo codsadao la-tallinta ammaanka iyo caafimaadka.
  • Sida loo gudbiyo warbixinta saddaxda bil.
  • Qoraalada ku saabsan tababarka ammaanka.
  • Ruqsadaha iyo fattashaadda.
  • Sharuudaha ganacsiga L&I.
  • Macluumaadka la siiyo milkiileyaasha ganacsiga yar.

Dhibaneyaasha Dambiga

Haddii aad tahay dhibane loo geystay dambiga dagaal, waxaa dhici karto in aad kaalmo ka heshid Barnaamijka Magta Dhibanaha Dambiga (Crime Victims Compensation Program). Fadlan wac 1-800-762-3716 kaddibna sug in yar inta aan ka wacayno turjubaan na kaalmeeya.

Diiwaan gelinta helitaanka luqadda ama cabashada xuquuqda madaniga ee kale

Xeerka VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga wuxuu mamnuucayaa takoorida ku saleysan jinsi, midab, ama asal qarameed ee barnaamij kasta ama hawl kasta oo hesha lacagaha Federaalka ama gargaarka kale ee Federaalka. Haddii aad codsatay oo aadan helin adeegyada luqadda aad door bidayso, ama aad dareensantahay Waaxda Shaqaalaha iyo Warshadaha inay kugu takooreen, fadlan la xiriir Civil Rights Complaint Hotline (Khadka Xuquuqda Madaniga) ee L&I ee 1-855-682-0778. Xulashada kale ee fayl- gareynaya cabashada takoorka waxaa ka mid ah la xiriirida: Washington State Office of the Attorney General (Xafiiska Gobolka Washington ee Xeer Ilaaliyaha Guud) (Taleefan: 1-800-551-4636), Washington State Human Rights Commission (Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Gobolka Washington) (Taleefanka: 1-800-233-3247), The U.S. Department of Labor (Waaxda Mareykanka Shaqada) (Taleefanka: 1-202-693-6500) iyo U.S. Department of Justice (Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka) (Taleefan: 1-855-856-1247).

Adeegyada Xariirka Luqadda